arrow-small-left Created with Sketch. arrow-small-right Created with Sketch. Carat Left arrow Created with Sketch. check Created with Sketch. circle carat down circle-down Created with Sketch. circle-up Created with Sketch. clock Created with Sketch. difficulty Created with Sketch. download Created with Sketch. email email Created with Sketch. facebook logo-facebook Created with Sketch. logo-instagram Created with Sketch. logo-linkedin Created with Sketch. linkround Created with Sketch. minus plus preptime Created with Sketch. print Created with Sketch. Created with Sketch. logo-soundcloud Created with Sketch. twitter logo-twitter Created with Sketch. logo-youtube Created with Sketch.

Cervical screening test (Somali) - Baaritaanka tijaabada afka ilmo-galeenka

Kansarka ilmo galeenka waa mid ka mid ah kansarada ugu badan ee laga hortagi karo. Baaritaanka joogtada ah ee afka ilmo galeenka ayaa ah habka ugu wanaagsan ee aad isaga ilaalin kartid kansarka afka ilmo galeenka.

Waa maxay baaritaanka afka ilmo-galeenka?

Baaritaanka afka ilmo galeenka wuxuu hubinayaa caafimaadka afka ilmo galeenkaaga. Dhakhtarka ama kalkaalisada ayaa ka qaadi doona muunad yar afka ilmo galeenkaaga iyagoo isticmaalaya suuf - sida unugyada ilmo galeenkaaga - waxayna ka baari doonaan fayraska papillomavirus (HPV).

HPV waa fayras caadi ah oo bedeli kara unugyada afka ilmo-galeenka. Waa sababta ugu badan ee keenta kansarka ilmo-galeenka.

Inta badan dadka qaba HPV ma laha calaamado, taas oo ah sababta baarista ay muhiim u tahay.

Haddii baaritaankaagu muujiyo inaad qabto HPV, badanaa waxay qaadataa 10 sano ama wax ka badan in uu HPV isu beddelo kansarka ilmo galeenka. Waa naadir in cabuqa HPV uu isu beddelo kansarka ilmo galeenka.

Jaantuska habka xubinta taranka dumarka

Sawirka xubinta dhalmada haweenka oo ay qayb ka yihiin xubinta taranka, makaanka afkiisa, ilmo galeenka, ugxan-sidaha iyo tuubooyinka ilmo galeenka.

Ma u baahan tahay inaad sameyso baaritaanka ilmo galeenka?

Waxaad u baahan tahay baaritaanka ilmo galeenka haddii aad tahay:

  • dumar ama qof leh ilmo galeen
  • da'diisu ay uu dhaxeyso 25 ilaa 74 sano
  • qof kale aad weligaa la sameysay xiriir galmo, iyadoon la eegayn jinsiga ama aqoonsiga galmo.

Waa muhiim in baaritaan lagugu sameeyo, xitaa haddii lagaa tallaalay HPV. Iyadoo tallaalka HPV uu aad waxtar u leeyahay, haddana kama hortago dhammaan cabuqyada HPV.

Imisaa jeer ayaad u baahan tahay in lagaa baaro afka ilmo galeenka?

Waxa aad u baahan tahay in baaritan lagugu sameeyo shantii sanaba mar kuwa ay da’dooda u dhaxeyso 25 iyo 74 sano.

Baaritaanka shantii sanaba mar waa mid badqab leh. Tani waxaa sabab uu ah qaabkii hore ee baaritaanka ee labadii sanaba mar (munada unugyada ee afka ilmo-galeenka) kaliya ayaa baari jiray isbeddelada unugyada ilmo-galeenka. Baaritaanada tijaabada cusub ee afka ilmo-galeenka waxay tijaabisaa HPV, taasoo u horseedi karta isbeddel ku yimaada unugyada ilmo-galeenka. Tani waxay kaa caawinaysaa in isbeddelada la ogaado wakhti hore.

Halkee ayaad ka sameyn kartaa baaritaanka afka ilmo galeenka?

Baaritaannada afka ilmo galeenka ayaa laga heli karaa rugaha dhakhaatiirta, xarumaha caafimaadka iyo rugaha qorsheynta qoyska.

Sidee baa loo sameeyaa baaritaanka afka ilmo galeenka?

Haddii bixiye daryeel caafimaad uu qaado muunad

Haddii bixiyaha daryeelka caafimaadkaagu uu sameeyo baaritaanka, waxaad u baahan doontaa inaad iska siibto dharkaaga ilaa iyo waxa dhexda ka hooseeya dhabarkana u seexo iyadoo jilbahaagu ay kala fog yihiin. Waxaa lagu siin doonaa go' aad isku daboosho.

Waxay si tartiib ah uu gelin doonaan qalab bir ah (kaas oo u eg afka xayawaanka boolonboollo) xubintaada taranka waxeyna isticmaali doonaan buraash yar si ay muunad unugyo ah uga soo qaadaan afka ilmo galeenka. Tani ayaa laga yaaba iney dhaliso dareen qariib ah, laakiin ma aha inaad xanuun dareento. Waxaad codsan kartaa bixiye daryeel caafimaad oo dumar ah haddii aad doorbidayso.

Haddi aad iska qaado muunad kuu gaar ah (adiga-aad iska qaado)

Haddii aad doorato in aad muunaddaada iska qaado, waxa aad u baahan doontaa in aad tani ku samayso xaruntaada caafimaadka. Bixiyaha daryeelka caafimaadkaaga ayaa kuu sharixi doona sida loo sameeyo baaritaanka. Waxaad u samayn kartaa si gaar ah ama waxaad waydiisan kartaa inay ku caawiyaan.

Baaritaanka ee adiga aad iska qaadayso waxaa qayb ka ah gelinta suufka xubintaada taranka. Waxaad si tartiib ah u dhaqdhaqaajisaa suufka dhaqdhaqaaq wareeg ah 10 ilaa 30 ilbiriqsi. Tani waxay ka dhigi kartaa inaad dhibsato, laakiin waa inaysan ku xanuunin. Kadib waxaad suufka ka soo saartaa xubinta taranka waxaadna dib ugu celisaa baakadaha lagu siiyay.

Dhacanka/unugyada adiga aad iska qaaday ayaa ah mid badqaba saxna ah oo la mid ah in bixiye daryeel caafimaad uu kaa qaaday muunada.

Maxaa dhacaya baaritaankaaga ka dib?

Ka dib markii munada lagaa qaado, waxa loo dirayaa shaybaarka si loo baaro.

Haddii baaritaankaagu uusan muujin HPV, waxaad sugi kartaa ilaa shan sano baaritaankaaga xiga.

Haddii baaritaankaagu muujiyo HPV, bixiyaha daryeelka caafimaadkaaga ayaa kaala hadli doona waxa xiga ee aad u baahan tahay inaad sameyso. Natiijooyinkaagu waxa loo diri doona Diiwaanka Baaritaanka Kansarka Qaranka (NCSR). Adeegani waxa uu sidoo kale kuu soo diri doonaa xasuusin ku saabsan goorta la samaynayo baaritaankaaga xiga.

Goormaad arki kartaa dhakhtarkaaga

Arag dhakhtarkaaga ama bixiyahaaga daryeelka caafimaad haddii aadan hubin goorta xigta ee aad sameyn doonto baaritaankaaga afka ilmo galeenka.

Haddii aad leedahay dhiig-bax aan caadi ahayn ee xubinta taranka, xanuun ama dhacaan, arag dhakhtarkaaga isla markaaba. Ogow, dhacaanka/unugyada inaad iska qaado laguma talinayo haddii aad leedahay mid ka mid ah calaamadahan.

Waydii dhakhtarkaaga tallaalka HPV haddii aadan horey u qaadan.

Wixii macluumaad dheeraad ah, ilaha iyo tixraacyada, booqo jeanhailes.org.au/health-a-z/sex-sexual-health/cervical-screening-test.