arrow-small-left Created with Sketch. arrow-small-right Created with Sketch. Carat Left arrow Created with Sketch. check Created with Sketch. circle carat down circle-down Created with Sketch. circle-up Created with Sketch. clock Created with Sketch. difficulty Created with Sketch. download Created with Sketch. email email Created with Sketch. facebook logo-facebook Created with Sketch. logo-instagram Created with Sketch. logo-linkedin Created with Sketch. linkround Created with Sketch. minus plus preptime Created with Sketch. print Created with Sketch. Created with Sketch. logo-soundcloud Created with Sketch. twitter logo-twitter Created with Sketch. logo-youtube Created with Sketch.

Endometriosis (Somali) - Cudurka unug uu ka soo kor baxayo ilmo galeenka

Waa maxay cudurka unug uu ka soo kor baxayo ilmo galeenka?

Cudurka unug uu ka soo kor baxayo ilmo galeenkawaa xaalad unugyo la mid ah kuwa safka ilmo-galeenka laga helo qaybaha kale ee jirka, inta badan ubucda iyo xubnaha taranka. Xaaladani waxay sababi kartaa inaad isku aragto astaamo kala duwan waxeyna saameyn kartaa bacrimintaada. Dadka intooda badan waxay helaan natiijooyin wanaagsan muddada-dheer ah marka loo gudbiyo rugta caafimaadka oo ay daryeel ka helaan koox caafimaad oo leh tababar takhasus leh oo ku saabsan cudurka unug uu ka soo kor baxayo ilmo galeenka.

Calaamadaha xanuunka

Cudurka unug uu ka soo kor baxayo ilmo galeenkawuxuu si kala duwan uu saameeyaa qof weliba. Xanuunku waa astaan caadi ah. Astaamaha daranbadanaa waxay la xiriiraan goobta uu ku yaallo unugga ka soo kor baxay ilmo galeenka, markii loo barbardhigo heerka cudurka. Astaamaha waxaa ka mid noqon kara:

  • dhiigga caadada oo aad uu xanuun badan
  • xanuun aad uu daran marka aad galmo sameyneyso
  • xanuun dhanka caloosha, dhabarka hoose iyo ubucda
  • xanuun marka ugxanta la soo deynaayo.

Waxa kale oo aad dareemi kartaa:

  • dhibaatooyinka dhanka kaadi heysta iyo mindhicirka
  • dibir
  • daal
  • walaac iyo niyad jab.

Waxyaabaha u sababta ah

Sababta saxda ah ee cudurka unug uu ka soo kor baxayo ilmo galeenkalama garanayo. Waxyaabaha qaarkood ayaa kordhin karaa suurtagalnimada in xaaladdan ay kula soo dersato. Tusaale, dadka leh qaraabo dhow (sida hooyada ama walaasha) ee qaba cudurka unug uu ka soo kor baxayo ilmo galeenkaayaa toddobo ilaa 10 jeer u badan tahay inay xaaladdan la soo dersato.

Ogaansho

Waxay qaadan kartaa wakhti in laga helo cudurka unug uu ka soo kor baxayo ilmo galeenka. Wakhtiga celcelis ahaan lagu ogaan karo cudurka waa toddobo sano. Tani waxaa sabab uu ah dadku waxay leeyihiin astaamo kala duwan astaamuhuna wey isbeddeli karan wakhti ka dib. Sidoo kale, xanuunka la xiriira caadada waxaa badanaa loo qaataa wax iska 'caadi ah'.

Dib u eegis dhammaystiran oo ku saabsan astaamahaaga, taariikhdaaada caafimaad iyo natiijooyinka baaritaanka ayaa wanaajin doona fursadaha aad uu leedahay in aad wakhti horeba aad ogaato cudurka.

Cudurka unug uu ka soo kor baxayo ilmo galeenkawaxaa lagu ogaan karaa 
siyaabo kala duwan:

  • Laparoscopy - Qalliinka lagugu daloolinaayo (iyada oo loo marayo caloosha) kaas oo lagu sameeynaayo marka gebi ahaanba lagu suuxiyo. Qalliinka lagugu daloolinaayo waa habka kaliya ee lagu xaqiijin karo in ay jiraan unugyada ka soo kor baxo ilmo galeenka.
  • Raajo - Dhakhaatiirta leh tababarka khubarada waxay isticmaali karaan raajo si ay u sameeyaan 'ogaadan ' cudurka unugga uu ka soo kor baxayo ilmo galeenka. Iyadoo ay ku xiran tahay wixii ay arkan, waxaa laga yaabaa inaad 
u baahato amaba aadan uu baahan qalliin.
  • Sawirka magnetic resonance (Magnetic resonance imaging - MRI) - Mustaqbalka, MRI waxaa loo isticmaali karaa in lagu caawiyo ogaanshaha endometriosis. Tani waxay fursad wanaagsan uu noqon kartaa dadka aan heli karin baaritaannada takhasuska leh ee raajada ama doonaya inay ka maarman qalliin.

Marxaladaha cudurka unugga uu ka soo kor baxayo ilmo galeenka

Cudurka unugga uu ka soo kor baxayo ilmo galeenkawaxaa loo kala saari karaa marxaladda koowaad (tan ugu dhib yar), marxaladda labaad (mid fudud), marxaladda saddexaad (mida dhexdhexaadka ah) ama marxaladda afaraad (mida aadka uu daran). Marxaladaha waxay ku salaysan yihiin goobta, xadka iyo inta unugyada ka soo kor baxa ilmo galeenkaay la eegyihiin ee la arko inta lagu jiro qalliinka.

Daaweynta iyo maaraynta

Haweenka intooda badan waxay helaan natiijooyin wanaagsan oo muddo dheer ah marka wakhti hore loo gudbiyo rugta caafimaadka haweenka oo ay daryeel ka helaan koox caafimaad oo leh tababar takhasus leh oo la xiriira cudurka unugga uu ka soo kor baxayo ilmo galeenka. Tusaale, dhakhaatiirta, dhakhaatiirta haweenka, dhakhaatiirta qalliinka ee leh xirfadaha sare ee lagugu daloolinaayo iyo jimicsiga qqaybaha ubucda.

Daaweynta waxaa qayb ka noqon kara daawooyinka xanuun baabi’yaasha, daaweynta hoormoonka, daaweynta aan hormoonka ahayn, daaweynta aan daroogada ahayn, qalliinka iyo 
daaweynta isku dhafan.

Weydii dhakhtarkaaga ama khabiirada daaweynta ugu fiican ee adiga kugu habboon.

Bacriminta iyo uurka

Cudurka unugga uu ka soo kor baxayo ilmo galeenkawuxuu saameyn karaa bacrimintaada, in kasta oo haween badani weli uur yeelan karaan iyagooo wax caawimaad dhanka caafimaadka ah aan helin. Kala hadal dhakhtarkaaga qorshaaga la xiriira uurka.

La noolaanshaha cudurka unugga uu ka soo kor baxayo ilmo galeenka

Cudurka unugga uu ka soo kor baxayo ilmo galeenkawuxuu saameyn karaa caafimaadkaaga jireed iyo ladnaanta shucuureed. Wuxuu sidoo kale saameyn ku yeelan karaa cilaaqaadkaaga iyo rabitaankaaga galmo. Waa muhiim inaad xasuusato in aadan keligaaga ahayn. Way adkaan kartaa in laga hadlo cudurka unugga uu ka soo kor baxayo ilmo galeenkaiyo sida uu kuu saameynaayo. Laakiin marka dadka noloshaada qaybta ka ah ay fahmaan xaaladda, waxay si fiican u awoodi doonaan inay kugu taageeraan wax welibo oo kula soo derso.

Goorta aad la kulmeyso dhakhtarkaaga

Ma ahan wax CAADI ah inaad dareento xanuun aad uu daran oo saameeya nolol maalmeedkaaga. Haddii aad u malaynayso inaad qabtid cudurka unugga uu ka soo kor baxayo ilmo galeenka, u tag dhakhtarkaaga sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah, maxaa yeellay inaad ogaato wakhti hore iyo daaweyntaba ay yareyn karaan iney xaaladda noqoto mid aad uu daran.

Wixii macluumaad dheeraad ah, ilaha iyo tixraacyada, booqo jeanhailes.org.au/health-a-z/endometriosis.