Caado culus (dhiigbax caado badan) waa marka dhiig badan oo caadada ah aad lumiso. Qiyaastii mid ka mid ah afartii dumar ah ayaa leh caado culus. Baro wax badan oo ku saabsan caadada culus, oo ay ku jiraan calaamadaha, sababaha iyo fursadaha kala duwan ee daawaynta la heli karo.
Sideed ku ogaan kartaa inaad leedahay dhiiga caadada oo xoog kaaga socda?
Way adkaan kartaa in la ogaado inaad leedahay caado culus, laakiin waxaa jira calaamado caan ah. Tusaale:
- waxaad u baahan tahay inaad bedesho wax yaabaha aad u isticmaasho caadada (sida suufka, tampon, koobka caadada) labadii saacadoodba mar ama ka yar
- waxaad u baahan tahay inaad bedesho wax yaabaha aad u isticmaasho caadada habeen kasta
- waxaad aragtay xinjiro dhiig oo ka weyn qadaadiicda 50-ka sentiga
- caadadu waxay socotaa in ka badan sideed maalmood
- caadadu waxay kaa horistaagtaa inaad samayso waxyaabaha aad caadiyan samayso.
Calaamadaha caadada culus
Haddii aad leedahay caado culus, waxaa laga yaabaa inaad:
- caloosha qeybaha hoose aad ka dareento xanuun
- qof maqaarkiisu cadaaday/dhiig la'aan heyso oo kale aad u ekaato ama aad dareentid daal ama dawakh sababo la xiriira aayron (iron) kaaga oo hooseeya.
Maxaa keena caadada culus?
Caado culus ayaa laga yaabaa inay sabab u tahay isbeddellada hoormoonka ee ka dhigaya xuubka ilmo-galeenka inuu u koro si ka badan sidii caadiga ahayd. Xuubkaas wuu yaraadaa si u sameeyo caado. Laakiin waxaa jiri kara sababo kale, tusaale ahaan, endometriosis, polyps, fibroids ama adenomyosis.
Sidee lagu ogaadaa caadada culus?
Waa muhiim inaad la kulanto dhakhtarkaaga haddii aad ka welwelsan tahay caadada culus iyo calaamadaha saameeya nolol maalmeedkaaga. Takhtarkaagu wuxuu ku weydiin doonaa taariikhdaada caafimaad wuxuuna kaa codsan karaa inuu sameeyo baaritaan gudaha ah si loo eego ilmo-galeenkaaga iyo ugxan-sidahaaga.
Waxa kale oo laga yaabaa inay sameeyaan baadhitaano si ay u ogaadaan waxa dhibaatada keenaya. Tusaale ahaan, baaritaanka uurka, iron-ka ama dhiigga, ama ultrasound.
Daawaynta kala duwan ee la heli karo
Haddii lagugu sheego caado culus, dhakhtarkaagu wuxuu kaala hadli doonaa daawaynta kala duwan ee aad heli karto. Tusaale:
- daawooyinka qaarkood (tusaale dawooyinka caabuqa ama tranexamic acid)
- daawaynta hoormoonka (tusaale Mirena® qalabka ilmagaleenka (IUD) ama kaniiniga)
- progestins (qaababka synthetic ee hormoonka progesterone).
Iyadoo ay ku xiran tahay sababta dhiigbaxaaga, waxaa laga yaabaa inaad u baahato in lagugu sameeyo nidaam qalliin. Tusaale:
- hysteroscopy - hab maalinle ah oo lagu qiimeeyo gudaha ilmo-galeenkaaga
- ablation endometrial - hab maalinle ah oo lagu soo saaro xuubka ilmo-galeenka.
Xaaladaha qaarkood, marka hababka caafimaadka ama qaliinka kale aysan caawinin si loo maareeyo dhiigbaxa, waxaa laga yaabaa inaad u baahato in lagugu sameeyo hysterectomy (qaliin aan laga noqon karin si loo saaro ilmo-galeenka iyo inta badan tuubooyinka ugxan-sidaha).
Waa muhiim inaad kala hadasho khabiirkaaga khataraha iyo faa'iidooyinka nidaam kasta intaadan go'aan gaarin kahor.
Goorta ay tahay inaad u tagto dhakhtarkaaga
Haddii aad u maleyneyso inaad leedahay caado culus isla markaasna ay calaamaduhu saameeynayaan nolol maalmeedkaaga, u tag dhakhtarkaaga.
Wixii macluumaad dheeraad ah, agabyo iyo tixraacyo, booqo booga Jean Hailes ee dhiiga caadada culus.
© 2024 Jean Hailes Foundation. All rights reserved. This publication may not be reproduced in whole or in part by any means without written permission of the copyright owner. Contact: licensing@jeanhailes.org.au