Waa muhiim inaad ugu tagto dhakhtarkaaga hubinta caafimaad ee joogtada ah si xaalad kasta loo ogaado isla mar ahaantaasna loo daaweeyo goor hore. Baaritaan guud ayaa lagu taliyaa sannadkii hal mar. Haddii aad halis sare ugu jirto xaalad ama cudur, waxaa laga yaabaa inaad u baahato baaritaanada qaar marar badan.
Baaritaanka wadnaha
Cudurka wadnaha iyo xididdada dhiigga waa waxa ugu badan ee sababa dhimashada haweenka Australiyaanka ah. Waxaa laga yaabaa inaadan ogeyn inay kugu dhici karaan cudurrada wadnaha, markaa baaritaanno joogto ah ayaa muhiim ah.
Baaritaanka caafimaadka wadnaha ayaa lagula talinayaa labadii sanaba mar dadka da'doodu ay ka bilaabaneyso 45 (ama dadka da'doodu ay ka bilaabanayso 35 ee haweenka Aborijiniska ama Torres Strait Islander ah). Dhakhtarkaaga ayaa hubin doona cadaadiska dhiiggaaga iyo kolestaroolkaaga iyo heerka sonkorta dhiiggaaga. Waxay sidoo kale ku weydiin doonaan su'aalo ku saabsan qoyskaaga iyo taariikhdaada caafimaad (tusaale cunto, jimicsi, sigaar inaad cabto iyo qamri) taasoo kordhin karta halista cudurrada wadnahaaga.
Baaritaanka sonkorowga
Sonkorowga waa xaalad halis ah halkaasoo gulukoosta (sonkorta) ee dhiiga ku jirta ay ka sarrayso inta caadiga ah. Tani waxay sababi kartaa dhibaatooyin caafimaad muddo ka dib. Waxaad yeelan kartaa nooca 2-aad ee sonkorowga adigoon dareemin wax calaamado ah. Haddii aad leedahay arrimo halis u ah inuu kugu dhaco nooca 2-aad ee sonkorowga, sida inay jirto taariikh ay qoyskaaga u leeyihiin xaaladan ama dhiig karka, kala hadal dhakhtarkaaga inta jeer ee ay tahay in lagu baaro.
Hubinta caafimaadka lafaha
Lafo-jileecu waa cudur sababa in lafaha ay noqdaan kuwo cufan, lumiya awoodda si fududna u jaba. Caadada markay ka go'do dumarka (Menopause) ka dib, cufnaanta laftaadu way yaraanaysaa. Dhakhtarkaaga waxa laga yaabaa inuu kugula taliyo hubinta caafimaadka lafaha sannadkii hal mar laga bilaabo da'da 45. Inkastoo ay ku xiran tahay halistaada lafo-jileeca, waxay kuu soo jeedin karaan baaritaanka cufnaanta lafaha (DXA) labadii sanaba mar.
Baaritaanka naaska
Ogaanshaha hore ee kansarka naasuhu waxay kordhisaa fursadda daawayn lagu guuleysto.
Is-baaridda
Baro sida naasahaagu u eg yihiin oo ay dareemayaan. Hubi iyaga bil kasta oo u tag dhakhtarkaaga haddii aad aragto isbeddello aan caadi ahayn (tusaale buro ama unug qaro weyn).
Mammogram baarista kansarka naasaha
Samee raajada naasaha ee lacag la'aanta ah (raajada naaska) labadii sanaba mar inta u dhaxaysa da'da 50 iyo 74. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan raajada naasaha, ama si aad u hesho meel baadhis ah oo kuu dhow, kala xidhiidh BreastScreen Australia 13 20 50.
Baarista mindhicirka
Kansarka mindhicirku waa kansar dad badan ku dhaca. Haddii goor hore la ogaado, fursada laga yaabo in looga soo kabto waa mid fiican. Haddii aay da'daadu u dhexeyso 50 iyo 74, Barnaamijka Qaranka ee Baadhitaanka Kansarka Mindhicirku wuxuu kuu soo diri doonaa baaritaan lacag la'aan ah labadii sanaba mar. Raac tilmaamaha si aad muunad (sample) u qaado adoo guriga jooga, ka dibna ku dir boostada si loo soo baaro. Wixii macluumaad dheeraad ah, kala xidhiidh Barnaamijka Baadhista Kansarka Mindhicirka ee Qaranka 1800 627 701.
Caafimaadka maskaxda
Haddii aad leedahay astaamo ay ka mid yihiin murugo daran, xanaaq, daal, walaac ama dhibaatooyin hurdo, la hadal dhakhtarkaaga sida ugu dhakhsaha badan. Haddii aad la kulanto gacan-ka-hadal lammaane oo aad u baahan tahay taageero, wac 1800 RESPECT (1800 737 732) .
Baaritaanka tijaabada afka ilmo-galeenka
Kansarka ilmo galeenka waa mid ka mid ah kansarada ugu badan ee laga hortagi karo. Tijaabada baarista afka ilmo-galeenka waxa ay makaanka afkiisa ka eegtaa fayraska papilloma ee bini'aadamka (human papilloma virus - HPV), kaas oo badanaa sababa kansarrada ilmo-galeenka. Baaritaanka joogtada ah ee afka ilmo galeenka ayaa ah habka ugu wanaagsan ee aad isaga ilaalin kartid kansarka afka ilmo galeenka. Waxaa lagugula talinayaa inaad sameyso baaritaan shantii sanoba mar laga bilaabo da'da 25 ilaa 74 jir. Wixii macluumaad dheeraad ah, kala xidhiidh Barnaamijka Qaranka ee Baadhitaanka afka ilmo-galeenka 1800 627 701.
Baaritaanka caabuqa galmada lagu kala qaado (Sexually transmitted infection - STI)
Haddii aad tahay qof ku firfircoon galmada, gaar ahaan haddii aad galmo samaysay iyada oo aan la gashan wax kala ilaaliya jirka (tusaale kondhom), waxa laga yaabaa inaad qaado STI. STIs ka qaarkood ma laha calaamado muuqda, halka kuwa kale (tusaale chlamydia ama jabtada) ay saameyn karaan caafimaadkaaga iyo dhalmada. Kala hadal dhakhtarkaaga inta jeer ee ay tahay in lagu baaro.
Baaris caafimaad uurka ka hor
Haddii aad qorshaynayso inaad uur yeelato, waa muhiim in caafimaadkaagu aad u wanaagsan yahay. Waa fikrad wanaagsan in la sameeyo baaritaan caafimaad uurka ka hor si loo qiimeeyo caafimaadkaaga guud, caadooyinka sigaarka iyo khamriga, miisaanka iyo heerka tallaalka.
Baaritaanno kale oo caafimaad
Waa fikrad wanaagsan inaad samaysato ballamo joogto ah si aad u hubiso xaaladaha kale ee caafimaad ee jiri kara, sida maqalka, maqaarka, aragga iyo ilkaha. Waxa kale oo aad dhameystiran kartaa tallaaladaada si ay kaaga difaacaan cudurrada.
Macluumaad dheeraad ah
Wixii macluumaad dheeraad ah, agab iyo tixraacyo, booqo bogga baaritaanada caafimaadka ee Jean Hailes.
© 2025 Jean Hailes Foundation. All rights reserved. This publication may not be reproduced in whole or in part by any means without written permission of the copyright owner. Contact: licensing@jeanhailes.org.au