arrow-small-left Created with Sketch. arrow-small-right Created with Sketch. Carat Left arrow Created with Sketch. check Created with Sketch. circle carat down circle-down Created with Sketch. circle-up Created with Sketch. clock Created with Sketch. difficulty Created with Sketch. download Created with Sketch. email email Created with Sketch. facebook logo-facebook Created with Sketch. logo-instagram Created with Sketch. logo-linkedin Created with Sketch. linkround Created with Sketch. minus plus preptime Created with Sketch. print Created with Sketch. Created with Sketch. logo-soundcloud Created with Sketch. twitter logo-twitter Created with Sketch. logo-youtube Created with Sketch.

Abortion (Somali) - Iska soo xaaqida ilmaha

Uurka aan la qorsheyn ayaa inta badan ku soo baxa dhamaan dumarka leh da’ iyo asal kasta. Qiyaastii kala bar uurka Australia lagu qaado waa kuwo aan la qorsheyn. Dumarka qaarkood waxay doortaan inay ilmahooda dhalaan, halka kuwa kalena ay doortaan inay uurkooda iska soo xaaqan.

Waa maxay ilmo iska soo ridid?

Ilmo iska soo rididu waa nidaam caafimaad oo amaan ah oo aad uurka ku rideyso. Waxaa laga yaabaa sidoo kale in la yiraahdo ‘joojin’ama joojinta uurka’. Waxaa lagu qiyaasayaa in ku dhawaad saddex meelood meel ee uurka aan la qorsheyn la soo xaaqo.

Iska soo xaaqida ilmaha ma oggolyahay sharciga Australia?

Ilmo iska soo rididu Australia dhexdeeda wuxuu sharci noqonayaa oo kaliya haddii uu sameeyo xirfadle caafimaad. Laakin sharciyada iska soo xaaqida ilmaha way ku kala duwan yihiin gobolada iyo dhulalka (tusaale, sharciyada ku saabsan sida iyo goorta ay haweenku iska soo xaaqi karaan ilmaha).

Sababaha laiskaga soo xaaqo ilmaha

Iska soo xaaqida ilmaha waa xulasho shakhsiyeed. Waxey noqon kartaa go’aan adag in la qaato. Waxaa jira sababo fara badan oo aad u dooran karto inaad iska soo xaaqdo ilmaha. Sababta ay ahaataba, haddii aad dooneyso inaad iska soo xaaqdid uurkaaga, waa xulashadaada.

Noocyada iska soo xaaqida ilmaha

Waxaa jira laba nooc oo iska soo xaaqida ilmaha: ilmaha la iska soo xaaqayo iyadoo daawo la cunayo iyo mida qaliinka loo marayo. Labaduba waa kuwo ammaan ah isla markaasna waxtar leh.

Ilmaha la iska soo xaaqayo iyadoo daawo la cunayo

Ilmaha la iska soo xaaqo iyadoo daawo la cunayo waxay ka dhigan tahay inaad qaadatid daawo si ay ilmaha kaaga soo rido. Xulashadan ayaa la heli karaa ilaa iyo sagaal toddobaad marka uu qofka uur yahay.

Haddii aad ilmaha isaga soo xaaqdo adigoo daawo cunaya, waxaa kula soo dersi doona dhowr saacadood oo xanuun daran ah, laakiinse xannuunku waa inuu kaa qafiifaa marka ilmaha uu ka soo dhaco. Dhakhtarkaagu wuxuu kuu qori karaa dawo xanuun oo xoog badan si ay kuu caawiso. Guriga ayaad ku maareyn kartaa.

Ilmaha la isaga soo xaaqayo qaliinka

Haddii uurkaagu uu sagaal toddobaad ka badan yahay, ama aadan dooneynin inaad qaadato daawada ilmaha la isaga soo xaaqo, waxa aad dooran kartaa inaad isaga soo xaaqdo ilmaha qaliin.

Ilmaha la isaga soo xaaqayo qaliinka waxaa badanaa ay qaadataa maalin.

Haddii aad ilmaha isaga soo xaaqdo qaliinka lagu suuxinaayo (adigoo hurda), ma dareemi doontid wax xanuun ah. Laakiinse waxaa laga yaabaa inaad dareento xanuun daran dhowr maalmood qaliinka ka dib. Haddii aad ilmaha isaga soo riddo qaliinka lagugu suuxinaayo goobta qaliinka, waxaa laga yaabaa inaad dareento xanuun fudud ilaa mid culus inta ilmaha laga soo xaaqayo.

Sidoo kale waa wax caadi ah inaad dareento xannuun la mid ah kan caadada maalmo yar kadib qaliinka.

Si aad isaga yareeyso xanuunka, waxaad isticmaali kartaa boors kaaldooyinka biyaha kulul lagu shubto, xanuun baabiye sidoo kalena waad nasan kartaa.

Haddii aad dareemayso xanuun aad uu daran, la hadal dhakhtarkaaga.

Goorma ayaad ku noqon kartaa hawlahaaga caadiga ah?

Waxaad dib ugu laaban kartaa hawlihii caadiga ahaa maalinta ku xigta maalinta ilmaha aad iska soo riday waa haddii aad dareemeyso jir ahaan iyo niyad ahaanba inaad fiican tahay. Laakiinse toddobaad ama labada toddobaad ee ku xigga, waa inaad iska ilaalisaa:

  • qaadida waxyaabaha culus, shaqada jismiyan in loo sameeyo uu baahan iyo hawlaha xooga uu baahan
  • galmada, isticmaalka suufka dumarka iyo inaad wax gelisid xubintaada taranka
  • inaad qubeysato ama aad dabaal tagto.

Calaamadaha shucuureed ee caadiga ah waxaa ka mid ah:

  • dareenkaaga oo isbedella
  • illowshiyo
  • walaac.

Waa imisaa kharashka ku baxa iska soo xaaqida ilmaha?

Kharashka ku baxa iska soo xaaqida ilmaha wuxuu ku xiran yahay:

  • nooca iska soo xaaqida ilmaha
  • heerka uu uurkaagu marayo
  • meesha aad isaga soo xaaqeyso ilmaha (tusaale rug caafimaad oo gaar loo leeyahay ama mid dadweyne)
  • haddii aad xaq u leedahay barnaamijka caymiska caafimaadka ee Medicare
  • haddii aad heysato caymiska caafimaadka ee gaarka ah.

Haddii aad heysato kaarka Medicare ka oo aad tagtid rug caafimaad oo gaar loo leeyahay:

  • iska soo xaqida ilmaha ee daawooyinka loo maraayo waxaa kaga baxaayo kharash uu dhaxeeya $100 ilaa $500
  • iska soo xaqida ilmaha ee qaliinka loo maraayo waxaa kaga baxaaya kharash uu dhaxeeya $400 ilaa $600

Rugaha caafimaadka qaarkood ama isbitaallada dadwaynaha ayaa laga yaabaa inay leeyihiin kharashyo ka yar intaas. Haddii aad u qalanto, waxaa laga yaabaa in aan laga qaadin wax lacag ah. Dhakhtarkaaga ayaa ku siin kara macluumaad dheeraad ah.

Miyaad u baahan tahay in dhakhtar ku soo gudbiyo si aad ilmaha isaga soo xaqdo?

Uma baahnid inuu dhakhtarkaagu ku soo gudbiyo si aad u qabsato ballan aad ilmaha isaga soo xaqeyso – marka laga reebo Galbeedka Australia oo sharci ahaan looga baahan yahay.

Miyaad u baahan tahay inaad hesho la talin ka hor inta aadan ilmo iska soo xaqin?

Uma baahnid inaad heshid la talin, laakiinse waa la helayaa haddii aad dooneysid inaad qof la hadashid ama aad u baahan tahay macluumaad dheeraad ah.

Macluumaad dheeraad ah

Waxaad macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan iska soo xaqida ilmaha aad ka heli kartaa dhakhtarkaaga ama xarunta caafimaadka haweenka ee deegaankaaga, adeegyada caafimaadka galmada iyo qorsheynta qoyska ama Adeega Caafimaadka ee Aboriginal and Torres Strait Islander.

Waxa kale oo aad macluumaad dheeraad ah ka heli kartaa ururadan caanka ah:

Wixii macluumaad dheeraad ah, ilaha iyo tixraacyada, booqo jeanhailes.org.au/health-a-z/sex-sexual-health/abortion.