Maxaa saamayn kara aaggan?
Cuncun
Maqaarka faruuryahaaga waa mid aad u jilicsan, sidaas darteed waxyaabo badan ayaa keeni kara cuncun.
Cuncunka faruuryaha wuxuu noqon karaa mid aad dhibsato. Calaamadaha waxaa ka mid noqon kara:
- gubasho ama cuncun
- dareenka ah in maqaarkaaga hoostiisa ay wax ku socdan
- casaan ama barar
- maqaarka oo gurma ama dillaaca
- maqaarka oo caddaada
- xanuun aad uu daran marka aad galmo sameyneyso.
Dheecaan
Dumarka oo dhan waxa ka yimaada dheecaan ka soo baxa xubinta taranka iyo dareero ka dhiga faruuryaha iyo xubinta taranka kuwa qoyaan caafimaadna leh. Laakiin mararka qaarkood dheecaanka waxaa keena caabuq.
Caabuq
Waxaa jira caabuqyo kala duwan oo saameyn kara faruuryaha iyo xubinta taranka, tusaale ahaan, cabeebka. Cabeebka waa caabuq caadi ah, oo ay keento nooc fangas ah, kaas oo saameeya ku dhawaad 75 boqolkiiba haweenka ugu yaraan hal mar inta ay nool yihiin.
Caabuqa xubinta taranka waxa uu keeni karaa calaamado ay ka mid yihiin:
- gubasho ama cuncun agagaarka faruuryaha
- dheecaanka xubinta taranka oo uraayo ama leh midab ka duwan kan caadiga ah
- dareen qaniinyo ah marka aad kadineyso
- barar ama casaan faruuryaha iyo xubinta taranka
- dillaaca maqaarka faruuryaha
- xanuun aad uu daran marka aad galmo sameyneyso.
Xasaasiyadda iyo xaaladaha maqaarka
Alaabaha qaar waxay keeni karaan fal-celin xasaasiyad ah oo ka dhigi karta xubinta taranka mid ku cuncunta ama casaan ah. Tusaale ahaan, suufka dumarka, saabuunta, surwaalka bacda ka sameysan ee kugu dhegan (Lycra) iyo macdanta koloriin (laga soo qaado barkadaha dabaasha). Waxaa jira xaalado kale oo maqaarka ah oo saameyn kara faruuryaha.
Gabowga
Marka la joogo wakhtiga caadada ay ka joogsaneyso, maqaarkaaga faruuryaha iyo xubinta taranka ayaa laga yaabaa inuu khafiifo, taasoo keenta qallayl, cuncun iyo xanuun xilliga galmada.
Xanuunka faruuryaha iyo xubinta taranka
Xanuunka faruuryaha iyo xubinta taranka waxaa keeni kara waxyaabo kala duwan. Tusaale ahaan, caabuqyada, xaaladaha maqaarka, murqaha sagxada miskaha oo adkaada, dhaawaca neerfaha iyo unugyada oo uu sababo qaliinka ama dhalmada.
Goormaad arki kartaa dhakhtarkaaga
Waa muhiim inaad aragto dhakhtarkaaga haddii aad ka welwelsan tahay cuncunka faruuryaha, dheecaanka ama xanuunka.
Waxa laga yaabaa in dhakhtarkaagu sameeyo baaritaan, suuf ama baaritaano kale si uu u ogaado waxa dhibaatada keenaya. Iyadoo ay ku xiran tahay sababta, waxay ku siin karaan goomaato, kareemyo ama kiniiniyaal. Waxa kale oo laga yaabaa inay ku siiyaan talo ku saabsan sida loo daryeelo aaggan. Xaaladaha qaarkood, waxaa laga yaabaa inay kuu gudbiyaan dhakhtar takhasus leh.
Waxaad wax badan ka baran kartaa sida loo daryeelo faruuryaha adiga oo akhrinaya buug-yaraha Jean Hailes ‘faruuryaha’ (oo ku qoran Ingiriis kaliya).
Wixii macluumaad dheeraad ah, ilaha iyo tixraacyada, booqo jeanhailes.org.au/health-topics/vulva-and-vagina.